Mourinho oo si jees jees ah u sheegay in uu ka da’yaryahay qof aada China

14823416829627

(Manchester) 22 Dis 2016. Tababbaraha Manchester United ayaa si jees jees ah uga jawaabay mar la weydiiyey in uu u dhaqaaqi karo China.

Horyaalka Chinese Super League ayaa mudooyinkan dambe caalamka ka soo shaac baxay kaddib markii ay sameeyeen saxiixyo waa weyn halka ay bixiyaan mushaar aad u badan.

Mourinho oo arinkaas jawaab ka bixinaya waxa uu yiri: “Lacagta China soo jiidasho qof walba wey u yeelan kartaa laakiin waxaa intaa ka badan, aniga waxaan jeclahay kubadda cagta ee heerka ugu sarreeya.”

“53, aad ayaan u yarahay. Waxaan haystaa sanado aad u badan oo kubadda cagta ah halkii aan aadi lahaa meel sida China oo kale ah.

Waxaan rabaa in aan joogo meesha ugu dhibta badan si aan u guuleysto, waxaan joogaa meesha saxda ah.”

Jose Mourinho waxa uu Manchester Uited ku soo biiray xagaagii tagay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close