“Juventus way awoodaa inay ku guulaysato Super Cup-ka talyaaniga” – Pavel Nedved

Image result for pavel nedved 2016

(Doha) 22 Dis 2016 Halyeeyga kooxda Juventus ee Pavel Nedved ayaa sheegay in kooxdiisu ay awoodo inay hanato koobka Super Cup-ka talyaaniga.

Pavel Nedved ayaa intaa ku daray in kooxdiisa ay ka go’antahay inay farxad galiyaan taageerayaashooda isla markaana ay isku dayi doonaan hanashada koobka.

“Diyaar ayaan u nahay ciyaarta, dhamaan ciyaartoydu waxay diyaar u yihiin inay sameeyaan taariikh oo ay ku guulaystaan koobka si ay u farxad galiyaan taageerayaasha” ayuu yiri Pavel Nedved ka hor ciyaarta.

“Juventus way awoodaa inay hanato Super Cup-ka inkasta oo ay aad u adagtahay ka hortagida AC.Milan, waxaan rajaynaynaa inaan soo bandhigno kubadd qurxoon oo ka turjumaysa kubadda talyaaniga”.

“Waxaa lagayaabaa in ciyaartu ay gaarto heer rigoore balse waxaan rajaynaynaa inaan dib ula soo laabano koobka oo aan ka farxino taageerayaasheena”.

Kooxaha Juventus iyo AC.Milan ayaa habeen dambe ku balansan koobka Super Cup-ka talyaaniga oo labada kooxoodba ay doonayaan inay ku guulaystaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close