Juventus oo raadinaysa xiddiga Barcelona ee Ivan Rakitic

(Torino) 22 Dis 2016 Kooxda Juventus ee dalka talyaaniga ayaa isha ku haysa saxiixa laacibka qadka dhexe ee kooxda Barcelona iyo xulka Croatia ee Ivan Rakitic.

Juventus oo wali raadinaysa badalka laacibkii ku biiray Man United ee Pogba ayaa diirada saaratay 28 jirka qadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona sida ay baahisay Mundo Deportivo.

Toni Kroos iyo Marco Verratti ayaa ka mid ah ciyaartoyda kale ee Juventus ay indhaha ku hayso balse Ivan Rakitic ayaa ah laacibka ugu horeeya ee ay isku dayi doonto saxiixiisa.

Dhanka kale Barcelona ayaa dadaal dheeraad ah ku bixinaysa sidii ay heshiis cusub uga saxiixi lahayd Ivan Rakitic oo diirada u saaran kooxo badan oo ka dhisan yurub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close