”Icardi ayaa ka wanaagsan Higuain” – Sandro Mazzola

(Milano) 22 Dis 2016 – Sandro Mazzola ayaa sheegay inuu aaminsan yahay inay Inter Milan weli usoo bixi karto Champions League, isagoo sidoo kale tibaaxay in Mauro Icardi uu ka wanaagsan yahay Gonzalo Higuain.

Kooxda Nerazzurri ayaa liiqliiqanaysay markii uu wadey macallin Frank de Boer ee bilowga horyaalka, balse haatan waxay badiyeen 4 kulan oo xiriir ah tartamada oo idil, tan iyo markii loo dhiibey Stefano Pioli.

“Tii ugu darnayd waa dhamaatay, ka badinta Lazio waxaa ka muhiimsanayd qaabkii ay uga badiyeen,” ayuu yiri Mazzola oo war siinayay Tuttomercatoweb isagoo Pioli ku amaanay inuu maskaxda ka shaqaysiinayo sidii Herrera.

“Miyay usoo bixi karaan Champions League? Aragtidayda, haa. Waxay ila tahay inaan taa quud darrayn karno tan iyo maalinta ugu dambaysa maxaa yeelay fursad baa jirta.”

Mauro Icardi ayaa haatan hoggaanka u haya gool dhalinta Serie A, wuxuuna Mazzola qabaa inuu ka fiican yahay qannaaskii sanadkii hore qaatay Capocannoniere, Gonzalo Higuain.

“Way adag tahay in la go’aamiyo, balse ugu damayntii anigu waxaan jiraa dhanka Icardi.” ayuu raaciyay.

b2

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close