Dallada Milan iibsanaysa oo ogolaatay qandaraaska Bonaventura balse diiddey….

(Milano) 22 Dis 2016 – Dalladda la wareegaysa AC Milan ee Sino-Europe Sports ayaa la sheegayaa inay ogolaan doonto qandaraaska cusub ee Giacomo Bonaventura, balse ay diidi doonto midka daafaca Gabriel Paletta.

Bonaventura ayaa haatanba heshiiskiisa in la dheereeyo la gaarey maamulka xilka kasii degaya, balse waa in ogolaabsho laga helaa dhanka SES.

Warsidaha Gazzetta dello Sport ayaa haatan werinaya in Sino-Europe ay ansixin doonto hindisaha Jack oo khad dhexe ah kaasoo la isku afgartay in heshiiskiisa la gaarsiiyo ilaa 2021.

Yeelkeede Paletta, oo uu qandaraaskiisu dhacayo xagaaga 2018, ayaysan u arkin mid ka mid ah qorshayaasha mustaqbaliga ah ee kooxda Rossoneri, sidaa darteedna Fiito ayay saari doonaan.

b1

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close