Barcelona oo diiday in Aleix Vidal uu ka tago kooxda suuqa Janaayo

(Barcelona) 22 Dis 2016 Daafaca kooxda Barcelona ee Aleix Vidal ayaa qorshaynayay inuu isaga tago kooxdiisa suuqa janaayo laakiin rajadaas ayaa u muuqata mid soo idlaanaysa.

Madaxwaynaha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa sheegay in kooxdiisu aysan iska iibin doonin Aleix Vidal suuqa soo socda ee janaayo taas oo meesha ka saaraysa wararkii sheegayay in laacibku uu ku sii jeedo kooxdiisii hore ee Sevilla.

“Aleix Vidal wuxuu u qalmaa ixtiraam badan, ma doonayno inaan iska iibino ciyaartoy suuqa janaayo, sidaas darteed nooma qorshaysna bixitaankiisa” ayuu yiri Josep Maria Bartomeu.

Image result for aleix vidal and Bartomeu

“Uma ogolaanayno ciyaaryahan inuu naga tago Janaayo ilaa inuu soo gudbiyo dalab bixitaan si lamid ah sidii uu sameeyay Pedro Rodriguez”.

Aleix Vidal ayaa ku soo biiray kooxda Barcelona xaggaagii 2015, balse laacib kaan ayaa ku guul daraystay inuu boos joogto ah ka helo shaxda tababare Enrique.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close