Vardy oo laga soo diiday racfaanta isla markaana dhammeysan doona ganaaxa

var

(England) 21 Dis 2016. Jamie Vardy ayaa dhammeysan doona ganaaxa saddexda kulan ee uu ku muteystay kaarka cas ee toos ka ah kulankii ay bar-baraha 2-2 la galeen Stoke City kaddib markii laga soo diiday racfaanta uu gudbiyay.

Naadiga lagu naaneyso Foxes ayaa racfaan u gudbisay xariirka FA waxayna ku rajo waynayd inay heli doonto Vardy waqtiga lagu jiro ciida Christmas-ka.

Image result for Vardy Red Card

Hase ahaatee, waa laga soo diiday racfaanta oo Vardy saddex kulan ayuu ka maqnaan doonaa kooxda.

Naadiga xafidaneysa Premier League ee iminka fadhisa kaalinta 15-aad ayaa waayi doonta dhaliyaheeda saddexa kulan ay la kala yeelan doonto Everton, West Ham iyo Middlesbrough.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close