Taageerayaasha Arsenal oo si wayn uga careysan RIKOODHKAN foosha xun ee u yaala kooxdooda

ozil

(London) 21 Dis 2016. Taageerayaasha Arsenal ayaa aad uga carreysan Rikoodhka sida aadka ah u liita ay kooxdoodu ka heysato 6-da kooxood ee ugu sarreeya Premier League marka ay garoomadooda kula soo ciyaarto.

Guul daradii ugu dambeysay Arsenal ayaa ka soo gaartay gegada Etihad Stadium oo waxaa 2-1 ku soo dubtay Man City iyadoo xitaa goolka la hormartay ciyaarta.

Arsenal's players look distraught as City come back to win 2-1

Sky Sports ayaa qallinka u qaadatay oo soo saartay rikoodhka xun ay Arsenal ka heysato kooxaha waa wayn ee Chelsea, Manchester City, Liverpool, Tottenham, iyo Manchester United  marka ay martida u tahay ama ay kula soo ciyaareyso garoomadooda.

21-kii kulan ee ugu dambeysay ay Gunners la soo ciyaartay kooxahan hal jeer xitaa kama adkaan,  waxay bar-baro soo gashay 7-kulan halka 14-jeerna laga soo adkaaday.

Taa ayaa la micno ah in wiilasha Wenger ay 7-dhibcood oo qura kala soo hoydeen meel laga doonayay 63-dhibcood, waa rikoodh ay u baahan tahay inay iska hagaajiso haddii ay dooneyso inay ka baxdo abaarta ka heysata inay ku guuleysato horyaalka Premier League muddo dheer kaddib.

EEG:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close