Juve oo 10-ka maalmood ee soo aaddan lasoo wareegaysa Axel Witsel

(Torino) 21 Dis 2016 – Juventus ayaa ku tala jirta inay heshiis rasmi ah la gaarto laacibka khadka dhexe ee Axel Witsel gaar aaan 10-ka maalmood ee soo aaddan.

Laacibka khadka dhexe uga ciyaara Zenit St Petersburg ayaa xagaagii qarka u saarnaa inuu ku biiro Bianconeri, balse heshiisku wuxuu burburay daqiiqaddii ugu dambaysay waloow uu laacibkan Belgian-ka ihi uu Torino soo gaarey xilligaas.

Laacibka ayuu qandaraaskiisu dhacayaa xagaaga, balse sida sida uu dhigayo Tuttosport, Juve ayaa ku dadaalaysa inaysan ilaa xagaaga sugin ee ay laacibka heshiis kala gaarto kooxda Zenit taasoo ka dhigan inuu iman doono isla marka uu furmo suuq-jiilaalku, taasoo siin doonta waqti uu kooxda kula qabsado.

 

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close