Inter Milan oo guul wayn ka gaartay naadiga Lazio, xilli labo gool uu dhaliyey Mauro Icardi… + SAWIRRO

(Milano) 22 Dis 2016 – Kooxda Inter Milan ayaa 3-0 uga adkaatay naadiga Lazio oo ay soo dhowaysay kulan ka tirsan horyaalka Serie A.

Kulankan ayaa qeybtii hore la isku mari waayey barbaro goolal la’aan 0-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Inter Milan ayaa la timid saddex gool oo deg deg, waxaana goolka koowaad u dhaliyey 54’daqiiqo Ever Banega, kaddib kubbad uu ka soo tuuray bannaanka xerada ganaaxa.

Goolka labaad ee Inter Milan waxaa madax ugu dhaliyey 56’daqiiqo weeraryahankeeda Mauro Icardi, kaddib kubbad uu soo karoosay Danilo D’Ambrosio, Inter ayaana kulanka ku hoggaamisay 2-0.

Markale ayuu Mauro Icardi shabaqa soo taabtay waxaana uu dhaliyey goolkiisa labaad ee kulankan, iyadoo uu ka caawiyey Ever Banega, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 3-0 ay ku adkaatay Inter Milan.

Lazio ayaa iska sii fadhin doonta kaalinta afaraad ee kala sarreynta Serie A, iyadoo leh 34-dhibcood, 18 kulan oo ay ciyaartay, halka Inter Milan ay ku jirto kaalinta 7-aad iyadoo leh 30-dhibcood.

SAWIRRO:

c0oi9hzwqaemajf

inter1

inter2

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close