Cristiano Ronaldo iyo Cristiano Jr oo dayuurad gaar ah ugu duulay Portugal

cr

(Europe) 21 Dis 2016. Sanadkan waxa uu Ronaldo u ahaa mid heer sare ah, wuxuu Real Madrid kula guuleystay Champions League iyo Club World Cup halka uu xulkiisa markiisii ugu horreysay kula guuleystay Euro, sidoo kale wuxuu gacanta ku dhigay Ballon d’Or markiisii afaraad.

Haddaba Ronaldo ayaa iminka diyaaradiisa gaarka ah kula duulay wiilkiisaa Cristian Jr iyagoo ku sii jeeda dalkooda Portugal si ay ugu soo qaataan fasaxa ciidda gaalada.

Cristiano Ronaldo wins his 4th Ballon d'Or

Xiddiga reer Portugal ayaa boggiisa ku soo qoray: “Waxaan waqti la qaadanayaa jaceylkeyga.”. isagoo soo raciyay sawirkiisa iyo sawirka canugiisa.

Real Madrid ma ciyaari doonto ilaa 7-janaayo taa oo micnaheedu tahay inay heystaan waqti fiican oo ay kula soo qaataan reerahooda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close