Bayern Munich oo hoggaanka u qabatay horyaalka Bundesliga, kaddib markii ay dardartay kooxda RasenBallsport Leipzig oo kaarka cas laga qaatay… + SAWIRRO

(Munich) 22 Dis 2016 – Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa hoggaanka u qabatay horyaalka Bundesliga Jarmalka, markii ay 3-0 kaga adkaatay naadiga RasenBallsport oo kaalintaas kula tartamaysay oo kulankan kaarka cas laga qaatay.

Bayern Munich ayaa goolka koowaad la timid 17’daqiiqo qeybtii hore ee ciyaarta Thiago Alcantara ayaana ka dhaliyey kooxda RasenBallsport Leipzig kubbad dhul ma dhacdo ah, Munich ayaana 1-0 ku hoggaamisay ciyaarta.

25’daqiiqo qeybtii hore ee ciyaar Bayern Munich ayaa la timid goolka labaad waxaa u dhaliyey Xabi Alonso, kaddib caawin uu ka helay dhaliyaha goolkii koowaad ee dheesha Thiago Alcantara.

Inta aan la aadin qeybta nasashada kooxda RasenBallsport Leipzig ayaa dhabar jab kale la kulantay markii kaarka cas oo toos ah laga siiyey xiddigeeda Emil Forsberg.

Dhammaadkii qeybtii hore ee ciyaarta Bayern Munich ayaa la timid goolkeeda saddexaad waxaa uu ahaa gool ku laad loo dhigay kaddib markii Peter Gulacsi uu qalad ku galay Douglas Costa oo ku jiray xerada ganaaxa, waxaana rigooradaas gool u bedelay Robert Lewandowski, sidaas ayaa lagu kala nastay Bayern Munich oo ciyaarta ku hoggaaminaysa 3-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta wax badan iskama bedelin dheesha kulanka ayaana ku soo dhammaaday 3-0 ay ku badisay kooxda Bayern Munich.

Bayern Munich ayaa sidaas saddex dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hoggaanka horyaalka Bundesliga Jarmalka, iyadoo markii hore kooxda ay la ciyaaraysay ee RasenBallsport ay wada lahaayeen min 36-dhibcood, haddana Munich ayaa hoggaanka ku haysa 39-dhibcood maadaama ay saddexda dhibcood ka fara-marooqsatay kooxda RasenBallsport.

SAWIRRO:

c0oaeo_weaaqo32

c0oaeo5xaaampmj

c0oaeprxeaexjk6

c0oaepvweaqxugz

c0onz1pwiaet5j7

c0onz2vw8aado62

c0onz1dxuaaylrx

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close