Xiddigii hore ee Liverpool Jonjo Shelvey oo la ganaaxay 5-kulan iyo waliba lacago dhan…

(England) 20 Dis 2016. xiddiga qadka dhexe ee naadiga Newcastle United Jonjo Shelvey ayaa la ganaaxay 5-kulan iyo waliba lacago dhan 100,000 kaddib markii uu aflagaado u geystay laacibka qadka dhexe ee naadiga Wolves ee Romain Saisswas, kulan dhex maray bishii September.
Shelvey oo u soo ciyaaray Liverpool iyo Swansea City ayaa dafiray markii hore aflagaadada uu u geystay xiddiga reer Morocca, balse markii lagu helay dambiga oo lagu caddeeyay ayaa la ganaaxay 5-kulan iyo waliba ganaax lacageed.
Wuxuu ka maqnaan doonaa kooxdiisa kulamada ay la kala yeelan doonto:
December 30 – Nottingham Forest (H)
January 2 – Blackburn Rovers (A)
January 7 – Birmingham (FA Cup A)
January 16 – Brentford (A)
January 21 – Rotherham (H)
Gool FM.