Tababare Jurgen Klopp oo TAARIIKH cusub u dhigay Liverpool

jurgen-klopp-liverpool

(Liverpool) 20 Dis 2016 – Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xalay guul 1-0 ka gaartay naadiga ay ka wada dhisan yihiin magaalada Liverpool ee Everton kulanka Merseyside derby.

Sadio Mané ayaa goolka ay guusha ku qaateen u dhaliyey Liverpool dhammaadkii ciyaarta, iyadoo kulankan tababare Jurgen Klopp uu taariikh cusub u dhigay kooxda Liverpool.

Haddaba macallin Jurgen Klopp ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay oo Liverpool soo mara ee labadiisa kulan ugu horreeya ka badiya kooxda Everton kulanka loo yaqaan Merseyside derby.

Kulankii hore ee Liverpool isagoo hoggaaminaya Klopp uu ka adkaatay Everton, waxa uu dhacay 20 bishii April ee sanadkan Reds ayaana ku adkaatay 4-0, halka kulankii xalay uu ku adkaatay 1-0 waana labo kulan oo is xiga.

c0hu832xgaajhra

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close