Mundo Deportivo oo caro ka muujisay go’aankii ganaaxa looga qafiifiyay Real Madrid

Image result for barcelona vs real madrid 2016 for Chapecoense

(Barcelona) 20 Dis 2016 Wargayska reer Catalonia ee Mundo Deportivo ayaa caro ka muujiyay go’aankii maxkamada Sportiga aduunka ee CAS.

FIFA ayaa ku soo rogtay Real Madrid ganaax dhanka suuqa ah kaas oo u diidaya in mudo sanad ah ay la soo wareegto ciyaaryahan u ciyaara koox kale.

Laakiin maxkamada ayaa cadaysay in Real laga qafiifiyay ganaaxii isla markaana loogu soo koobay oo kaliya inay suuqa ka maqnaato hal xili.

Image result for barcelona vs real madrid 2016

Arinkaas ayaa u cuntami waayay Mundo Deportivo oo aad u taageerta kooxda Barcelona taas oo xili hore lagu riday ganaax hal sano ah.

Wargayska ayaa ku tilmaamay go’aanka maxkamada CAS mid ka fog cadaalada, maadama ay ahayd in Real Madrid la marsiiyo isla ganaaxii Barcelona.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close