Messi iyo walaalkii oo dayuurad gaar ah ku tagay dalka Argentina

messii

(Argentina) 20 Dis 2016. Kaddib guushii ay Barcelona 4-1 ka gaartay kulankii Catalan Derbay, Lionel Messi ayaa dib ugu soo laabtay halka uu ka soo jeedo Rasario ee Argentina si uu waqti fasax ah ula soo qaato qoyskiisa, maadaama tababare Luis Enrique uu fasax dheeri ah siiyay laacibka.

Duullimaad gaar ah ayay ku tageen Argentina Messi iyo walaalkii Rodrigo, halkaa oo ay Messi ku sugayeen dhowr taageerayaal.

Antonella oo lagu wado inay goor dhow noqoto xaaska Messi ayaa ka mid ahayd dadkii ku sugayay halkaa iyadoo ay maalin ka hor la safartay labadeeda canug ee Thiago iyo Mateo.

Bandhigii cajiibka ahaa ee uu Messi ka sameeyay kulankii Derby Catalan ayaa u kasbay isaga inuu nasiino ku soo qaato dhulkiisa hooyo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close