“Messi goor dhaw ayuu saxiixayaa heshiis cusub” – Josep Maria Bartomeu

Image result for Bartomeu and Messi

(Barcelona) 20 Dis 2016 Madaxwaynaha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa sheegay in Lionel Messi uu goor dhaw saxiixi doono heshiis cusub.

Bartomeu ayaa warkaan farxada leh u sheegay taageerayaasha kooxdiisa xili ay sugayeen arinka heshiis kordhinta laacibka reer Argentina.

Barcelona ayaa heshiis cusub ka saxiixday Neymar iyo Suarez, Messi oo kaliya ayaana ka dhiman heshiis kordhinta kooxdu ay la damacsanayd weerarka MSN.

Image result for Bartomeu and Messi

“Ilaa waqti aan dhawyn ayaan sheegnay inaan doonayno in Messi aan ku sii hayno Barcelona ilaa uu ka fariisanayo kubadda cagta” ayuu yiri madaxwaynaha Barcelona.

“Waxaan rajaynayaa in goor dhaw aan shaacino heshiis kordhinta Lionel Messi, waxaan rumaysanahay in isaguna uu sidaas doonayo”.

“Waan hubaa in Messi uu la sii joogi doono Barcelona ilaa uu ka fariisanayo kubadda cagta”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close