INA Aguero oo saxiix maaliyadeed ka helay Tevez

sergio-aguero-carlos-tevez-argentina_r4xavzwgzeop197fsept5blxg

(ARG) 20 Dis 2016. Aabihii waa Sergio Aguero, awawgii waa Diego Maradina hada waxa uu haystaa funaanad uu saxiixay Carlos Tevez – shaki ma leh in Benjamin uu leeyahay meeqaam ciyaareed.

Da’yarka oo Argentina kula nool hooyaduu Giannina Maradona, waxa uu goobjoog ku ahaa Bombonera axadii si uu u daawado Tevez uu u dheelaya Boca Juniors.

Tevez waxaa laga yabaa In uu kulankiisii ugu dambeeyey u dheelay Xeneize iyada oo ay jiraan xan la xiriirineysa China, balse waxa uu hadiyad siiyey INA aguero kulanka kaddib.

“Waad ku mahadsantahay sida aad uga farxisay wiilkeyga,” ayey Giannina ku soo qortay Twitter-ka iyada oo soo dhigtay sawika Tevez uu INAN keeda u saxiixayo funaanada.

“Waligey kuma arag sidan uu u qiireysnaa, mahad ballaaran!”

Marka laga yimaado farxadda Benjamin, la garan maayi sida Aguero uu uga soo fal celin doono maadama uu halyey ka yahay Independiente oo ay aad isu xifaaliyaan Boca marka uu wiilkiisa ku arko funaanadooda!

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close