Haddaad ogeyd inuu dhawaan ku guuleystay Ballon d’Or, markanna waxaa Cristiano Ronaldo loo magacaabay FIFA player of the year

ronaldoo

(Spain) 20 Dis 2016. Horraantii bishan ayaa Cristiano Ronaldo markiisii afaraad loo caleemo saaray abaal marinta Ballon d’Or ee jariirada France Football kaddib markii uu codod badan ku garaacay Lionel Messi.

Warar ka imaanaya dalka Spain ayaa misane iminka warinaya in xiddiga reer Portugal loo magacaabayo laacibka sanadka ee FIFA FIFA player of the year.

FIFA iyo Ballon d’Or ayaa kala tagay dhawaantan iyadoo midba goonideeda u baxsaneyso abaal marinteeda.

https://pbs.twimg.com/media/

Mundo Deportivo ee ka soo baxda Spain ayaa sheaganeysa in abaal marinta Ballon d’Or uu dhawaan ku guulestay Ronaldo uu misane ku darsaday abaal marinta FIFA ee 2016 ee la bixinayo bisha Janaayo ee sanadka cusub.

Sanadkan ayaa Ronaldo u ahaa mid wacan oo wuxuu Real Madrid kula guuleystay Champions League iyo Club World Cup isagoo sidoo kale la qaaday xulkiisa markii ugu horreysay Euro 2016.

Ronaldo ayaa u dhaliyay Real Madrid 55-gool 57-kulan uu ka soo muuqday sanadkan halka uu xulkiisa u dhaliyay 13-gool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close