Duullimaadkii AC Milan oo dib u dhacay…(Goorma ayuu baxayaa?)

 milan(Milano) 20 Dis 2016. Duulimmaadkii maanta ee AC Milan oo la kansalay iyadoo ay berito gaari doonaan Doha si ay ugu soo ciyaaraan Supercoppa.

Galabta ayay ahayd in kooxda lagu naaneyso Rossoneri ay u duusho dalka Qatar ka hor kulanka Jimcaha ay la yeelan doonto Juventus, laakiin duullimaadkii ayaa dib u dhacay saacad iyo bar.

Iminkana Milan ayaa warineysa in gabi ahaan la kansalay duullimaadka iyadoo ay dayuurada weli ku sugan tahay London sababo la xiriira dhibaato dhanka farsamada ah.

Shaxda Milan ayaa sidaa darteed u duuli doonta doha berito marka ay saacada Talyaanigu tilmaameyso 15.00.

Juve ayaa iyana lagu wadaa inay beri gaarto magaalada Doha marka ay saacada Talyaaniga ku beegan tahay 10am.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close