DEG DEG: Real Madrid oo laga ganaaxay suuqa kala iibsiga balse loo qafiifiyay ganaaxa

(Madrid) 20 Dis 2016 Kooxda Real Madrid ee dalka Spain ayaan soo iibsan karin wax ciyaaryahan ah suuqa kala iibsiga ee bisha janaayo sida ay baahisay maxkamada Sportiga ee CAS.

Xiriirka kubadda cagta aduunka ee FIFA ayaa ku eedeeyay Real Madrid iyo Atletico Madrid inay ku xad gudbeen sharciga suuqa kala iibsiga ee da’yarta taasna ay keentay inay ku soo rogaan ganaax hal sano ah.

Balse maxkamada ayaa shaacisay in Real Madrid laga qafiifiyay ganaaxii suuqa laga saaray, kooxda ayaa laga ganaaxay kaliya suuqa kala iibsiga ee janaayo.

Perez

Maxkamada ayaa intaa ku dartay in Real Madrid ay si caadi ah dib ugu soo laaban doonto suuqa kala iibsiga dhamaadka xiliciyaareed kan.

Waxaana xusid mudan in maxkamadu aysan wali ka hadlin ganaaxa suuqa ee kooxda Atletico Madrid.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close