David Luiz kuma eka kubbada cagta oo kaliya oo sidoo kale Indho Sarcaad-ka xariif ayuu ku yahay…(MUUQAAL+SAWIRRO)

david

(London) 20 Dis 2016. David Luiz ayaa kal ciyaareedkan dowr muhiim ah kaga ciyaaraya Chelsea oo hogaanka u heysa Premier League balse xirfadiisu intaa oo kaliya kuma eka.

Haddaad ogeyd inuu lugaha bis xariif ku yahay ku darso gacmahana wuu ku daran yahay, oo waxaa la soo bandhigay isagoo Turub ka sameynaya indho sarcaad.

Mar ay joogeen qolka dhar badelashada kooxda David Luiz ayaa ka yaabsaday dhakhtarka kooxda ee Paco Biosca.

Laacibka reer Brazil ayaa ka dalbay Dhakhtarka inuu turubka mid ka qabsado dabadeedna waa la shaandheeyay iyadoo ay daawanayeen Diego Costa iyo Eden Hazard, David Luiz ayaa dabadeed soo qabtay turubkii uu qabsaday Paco Biosca.

DAAWO:


Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close