Chelsea oo Tottenham kula loolameysa saxiixa Franck Kessie

ka

(London) 20 Dis 2016. Tottenham Hotspur iyo Chelsea ayaa ku dagaalami doona saxiixa xiddiga naadiga Atalanta Franck Kessie, sida ay warineyso Calciomercato.

20-jirka ayaa wacdaro ka dhigay horyaalka Serie A kal ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 5-gool 15-kulan uu ka soo muuqday horyaalka Talyaaniga.

RUMOURS: Tottenham battle Chelsea for Kessie

Naadiga lagu naaneyso Marwada Duqda ah ee Juventus ayaa sidoo kale dooneysa laacibkan u dhashay Ivory Coast, laakiin waxaa la warinayaa in Tottenham ay u soo bandhigtay xiddiga qadka dhexe 20-milyan oo bound si ay isugu daydo inay ka hor dafto Blues iyo kooxda reer Talyaani.

Franck Kessie ayaa xulkiisa Ivory Coast ka soo muuqday 10-kulan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close