“Bayern Munich ayaa iga hor istaagtay inaan ku biiro Liverpool” – Xherdan Shaqiri

Xherdan Shaqiri: Could have moved to Liverpool

(Stoke) 20 Dis 2016 Xiddiga kooxda Stoke City ee Xherdan Shaqiri ayaa sheegay in kooxdiisii hore ee Bayern Munich ay ka hor istaagtay fursad uu ugu biiri karay Liverpool.

Shaqiri ayaa sheegay in xaggaagii 2014 uu dalabyo ka helay Liverpool iyo Atletico Madrid isla markaana uu go’aansaday inuu ku biiro Liverpool balse maamulka kooxdiisu ay ka hor istaageen.

25 jirka reer Switzerland ee Xherdan Shaqiri ayaa kadib u dhaqaaqay kooxda Inter Milan ka hor intii uusan 2015 ku soo biirin kooxdiisa haatan ee Stoke City.

“Xaggaagaas (2014) waxaan dalabyo dhawr ah ka helay Liverpool iyo Atletico Madrid” ayuu u sheegay Xherdan Shaqiri Spox.

“Waxaan doonayay inaan ka tago Bayern Munich wax walba oo ay igu qaadato, waxaan go’aansaday inaan ku biiro Liverpool, Brendan Rodgers ayaa i soo wacay dhawr jeer ka hor koobkii aduunka, laakiin Bayern ayaa iga hor istaagtay”.

“Inter? waxay isku dayeen saxiixayga in kabadan kooxaha kale, waxay ii balan qaadeen Inter cusub, horyaalka Jarmalka wax walba waa aan ku soo guulaystay”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close