Ander Herrera oo u dagaali doona mustaqbalkiisa Manchester United

herrera-cropped_7dks7b1fv71w1jdnfs8vg8rgy

(Manchester) 20 Dis 2016. Ander Herrera waxa uu ballan ku galay in uu u dagaalami doono booskiisa Manchester United oo uusan dhayalsan doonin fursada uu haatan haysto.

Khadka dhexe waxa uu laf dhabar ka noqday shaxda Jose Mourinho isaga oo lix kulan oo xiriir ah ku soo bilowday Premier League-ga.

Herrera oo ay da’diisu tahay 27, waxaa uga haray qandaraaska uu kula joogo United laba sano iyo bar laakiin, waxa uu dareemayaa awooda kooxda ee ah la soo saxiixashada hibooyinka dunida ugu sarreeya in ay ka dhigeyso ciyaaryaha walba amaan darro in uu dareemo.

Mar ay weydiisay INSIDE UNITED bal in uu doonayo waqti dheer in uu joogo United waxa uu yiri: “Haa, laakiin ma ogaan kartid maxaa yeelay hadii aan rabo u ciyaaridda United waxaa lagaa doonayaa si wanaagsan in uu u dheesho maxaa yeelay United waa kooxda ugu weyn England.

“Kooxda waxa ay leedahay baaxadda ay ku keeni karto ciyaaryaha walba halkan markaa waa in aad mar walba heerkaaga ugu sarreeya joogtaa hadii aad rabto u sii ciyaaridda kooxda.

“Ma fududa laakiin waxaan rajeynayaa in aan awoodo waana u dagaali doonaa.”

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close