Xiddigaha Man City oo kulankii xalay ee Arsenal soo xirtay maaliyad ay ku maamuusayaan Gundogan…(Baraha bulshada oo looga maadsaday!!)

MANCHESTER, ENGLAND - DECEMBER 18: Aleksander Kolorov of Manchester City and his Manchester City team mates wear Ilkay Gundogan of Manchester City shirt in surport for him after he was injured during the Premier League match between Manchester City and Arsenal at the Etihad Stadium on December 18, 2016 in Manchester, England. (Photo by Clive Brunskill/Getty Images)

(Manchester) 19 Dis 2016. Xiddigaha Man City ayaa kulankii xalay ay 2-1 uga adkaadeen Arsenal soo xirtay maaliyado uu ku qoran yaha magaca Ilkay Gundogan oo ay ku muujinayaan inay garab taagan yihiin xiddiga uu dhaawaca daran soo gaaray.

Gundogan ayaa waxaa dhaawac ka gaaray jilibka kaa oo lagu wado inuu garoomada uga maqnaado inta ka harsan kal ciyaareedkan.

Baraha bulshada ayaa looga maadsaday falkii ay sameeyeen Man City maadaama ciyaartoyda dhimatay loogu maamuuso sidii ay ugu maamuuseen Gundogan oo weli nool.

Xiddiga reer Germany ayaa qudhiisa ku soo hadlay bartiisa Twitter-ka isagoona soo qoray: “Waad mahadsan tihiin saaxiibadeyda kooxda, dabcana hambalyo guushan muhiimka ah aad ka gaarteen Arsenal, ha wal-walina weli waan noolahay.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close