Robben oo kula taliyay Memphis Depay inuu isagatago Manchester United suuqa Janaayo

Arjen Robben

(Manchester) 19 Dis 2016 Laacibka garabka weerarka uga ciyaara Bayern Munich ee Arjen Robben ayaa talo muhiim ah siiyay saaxiibkiis Memphis Depay.

22 Jirka reer Holland ayaa ku dhibtoonaya inuu boos joogto ah ka helo shaxda tababare Jose Mourinho, waxaana aad loola xiriiriyay kooxda Everton.

Arjen Robben ayaa sheegay in Memphis Depay uu yahay laacib tayo leh, wuxuuna intaa ku daray in lagayaabo inuu katago United suuqa janaayo.

Manchester United winger Memphis Depay

“Depay waa laacib tayo leh, waa wax laga xumaado inuusan la qabsan Man United ilaa haatan, kulamo aad u yar ayuu ciyaaray” ayuu yiri Robben.

“Waxaan filayaa in wax uun ay dhici doonaan waqtiga soo socda, lagayaabee inuu baxo suuqa janaayo” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close