RASMI: Leonardo Bonucci oo heshiis waqti dheer ah u saxiixay Juventus

(Torino) 19 Dis 2016 Daafaca kooxda Juventus ayaa heshiis waqti dheer ah u saxiixay kooxdiisa, kadib markii lala xiriiriyay kooxo badan oo ka dhisan yurub.

Leonardo Bonucci ayaa qalinka ugu duugay kooxdiisa Juventus heshiis ku eg ilaa 2021, wuxuuna sheegay inuu doortay la sii joogida kooxdiisa.

29 jirkaan reer talyaani ayaa ku soo biiray Juventus 2010 markaas oo uu ka soo dhaqaaqay kooxda Bari, xiddigaan ayaana wacdaro ku soo bandhigay tan iyo waqtigaas kooxdiisa Juventus.

Laacib kaan ayaa lala xiriiriyay kooxaha Man City iyo Chelsea suuqii xaggaaga, balse Juventus ayaa dadaal dheer ugashay sidii ay u sii haysan lahayd laacibkeeda.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close