Manchester United oo dalab £38million ka gudbineysa Lindelof

football-uefa-champions-league-201617-group-stage-group-b-benfica-v-napoli-estdio-da-luz-lisbo

(Manchester) 19 Dis 2016. Manchester United waxa ay dalab £38million ah ka gudbisay daafaca Benfica Victor Lindelof.

United muddo ayey ku raad joogty daafacan dhexe ee u dhashay Sweden, hada waxa ay dooneysaa in ay ka dhiibto £34m halk qiimaha intiisa kale ay ku bixin doonto gunno ahaan ku tacaluqa guulaha uu soo hooyo.

Sahanka United waxa ay si joogta ah u booqanayeen gegida Light ee Benfica, kaddib markii ay daawadeen Lindelof oo dheelaya kulankii Derby-ga maxaliga ahaa ee u dhexeeyey kooxdiisa iyo Sportting Lisbon  toddobaadkii tagay, Red Devils xiiseheed rasmi ayey ka dhigtay.

Qandaraaska Lindelof waxaa lagu bur burin karaa £30m – laakiin waxaa sidaas la yeeli karaa xagaaga soo socda uun.

Hase ahatee, waxaa United caawinaya rabitaanka daafaca oo an dooneyn in uu sugo xilli ciyareedka dambe.

Jose Mourinho waxa uu ku amray masuulka heshiisyada dhammeeya ee United Ed Woodward in uu qodobkan soo gaba gabeeyo sida ugu dhaqsiyha badan xilli uu isha ku hayo xoojinta daaficiisa.

Benfica wey ka caga jiideysaa iibinta Lindelof maadama ay u soo baxday wareega 16ka Champions League oo y ku began tahay Borussia Dortmund.

Hadana wey ku adkaan doontaa in ay diido dalabka sidaas u weyn oo ay ka heleyso laacib qiime aad u hooseeya ugu yimi 2011.

Benfica waxa ay kala soo wareegtay Lindelof kooxda reer Sweden ee Vasteras.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close