Kumaa dhaliyey saddexleeyda ugu badan xiddigaha xafiiltama ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi?

c0bqat4xcaark1x

(Madrid) 19 Dis 2016 – Cristiano Ronaldo ayaa isagoo labada gacmood ku sita koobka kooxaha Adduunka iyo abaal-marinta kubadda dahabka uu ku soo guuleystay ee ah xiddiga ugu fiicnaa tartankan FIFA Clup World Cup, waxa uu ka soo laabtay dalka Japan.

Ronaldo ayaa saddexleey ka dhaliyey final-kii koobka kooxaha adduunka, kani waa boqorka saddexleeyda oo xitaa waxa uu Hat-trick dhaliska kaga wanaagsan yahay xiddiga ay xafiiltamaan ee Lionel Messi.

Ronaldo ayaa xirfaddiisa ciyaareed oo dhan dhaliyey 45 saddexleey ama Hat-trick, taasoo ka badan inta uu xirafaddiisa ciyaareed oo dhan dhaliyey Lionel Messi oo ah 41 Hat-trick.

Ku darso CR7 waxa uu dhaliyey 40 saddexleey tan iyo sanadkii 2009 oo ah inta uu la joogo kooxdiisa Real Madrid, halka Messi uu kooxdiisa Barcelona u dhaliyey waqtigaas kaliya 37 saddexleey.

cristiano-ronaldo-and-lionel-messi

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close