Juventus oo soo cusboonaysiisay xiisaha ay u qabto Alexis Sanchez

يوفنتوس يُجدد الاهتمام بأليكسيس سانشيز

(Torino) 19 Dis 2016 Juventus ayaa markale ku soo laabatay xiisaha ay u qabtay weerar yahanka kooxda Arsenal ee Alexis Sanchez sida ay baahisay TuttoSport.

Alexis Sanchez oo ku jira qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ayaa mugdi lagaliyay mustaqbalkiisa Arsenal kadib markii ay hakad galeen wadahadaladii heshiis kordhinta.

Qandaraaska Alexis Sanchez ee Arsenal waxaa uga harsan kaliya 18-bil, Juventus ayaana ku soo biirtay kooxaha xiisaynaya saxiixiisa haddii uu fashilmo heshiis kordhintiisa Arsenal.

alexis-sanchez-arsenal-23112016_1bcyw5p64s8xv1khq8afc6rdz3

Alexis Sanchez ayaa si wacan u garanaya horyaalka talyaaniga maadama uu u soo ciyaaray kooxda Udinese ka hor intii uusan ku biirin Barcelona 2011.

Agaasimaha guud ee kooxda Juventus ayaa horay u qirtay inuu isku dayay saxiixa Alexis Sanchez suuqii xaggaaga balse isku daygiisu uu fashil ku soo dhamaaday.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close