Joe Hart oo looga gacan haatinayo Premier League

(Torino) 19 Dis 2016 Goolhayaha amaahda kula jooga kooxda Torino ee dalka talyaaniga Joe Hart ayaa looga gacan haatinayaa horyaalka ingiriiska.

Sida ay baahisay The Sun, Joe Hart ayaa dalabyo kala duwan ka helaya kooxaha Premier League sida Tottenham iyo Leicester City.

Kooxda tababare Ranieri ayaa doonaysa in Joe Hart ay ku buuxiso booska Kasper Schmeichel kaas oo laga yaabo inuu katago kooxda dhamaadka xiliciyaareed kan.

Dhanka kale Tottenham ayaa isha ku haysa saxiixa Joe Hart si uu u noqdo goolhaye booska koowaad kula tartama Hugo Lloris.

Joe Hart ayaa isaga tagay kooxdiisa Manchester City suuqii xaggaaga, kadib markii tababare Pep Guardiola uu u sheegay inuu raadsado koox kale.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close