Ibrahimovic: Ilaa iyo 50-jirkeyga waan dheeli karaa

hd-zlatan-ibrahimovic_1q11mtuz5jpu812mufl9v6hwwu

(Manchester) 19 Dis 2016. Weeraryahanka Manchester United Zlatan Ibrahimovic waxa uu sheegay in uu sii dheeli karo ilaa iyo markaa uu gaaro da’da 50-ka sano.

35 jirka waxa uu cadeeyey in da’du tahay uun TIRO tan iyo markii uu Paris Saint – Germain uga soo biiray United, ololahan waxa uu dhaliyey 16 gool oo aan waliba dhammaan.

Ibrahimovic oo la fahansan yahay in uu saxiixi doono qandaraas cusub kaddib markii uu hore sanad ku yimi ayaa dhaliyey labadii gool ee ay West Brom uga badiyeen.

“Faraxad ayaan dareemayaa, wanaag ayaan dareemayaa,” ayuu Ibrahimovic yiri. “Xitaa hadii aan ahay 35, maskaxdeyda waxaan ka ahay 20.

“Waxaan qabaa in aan xitaa ciyaari doono marka aan jiro 50, laakiiin iguma xirnaan doonto.

“Weynanta ayaanba ku wacnaadaa, sida khamriga cas! Waad ka heshaan khamriga cas? Sidaas oo kale ayaan ahay.

“Markaan weynaaba, waanba sii fiicnaadaa.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close