Borussia Dortmund oo la aas-aasay maanta oo kale 107 sano ka hor… (Imise koob ayey ku guuleysatay tan iyo markaas?)

dort

(Dortmund) 19 Dis 2016 – Kooxda kubadda cagta Jarmalka ee Borussia Dortmund ayey maanta ku aaddan tahay xilligii la aas-aasay hal qarni iyo 7 sano ka hor.

Maanta oo kale 19 bishii December sanadkii 1909-kii ayaa dhidibada loo aasay kooxda Borussia Dortmund, waxaana ay ku ciyaartaa garoonka Westfalenstadion lagu magacaabo ee qaadkiisu yahay 81,359.

Haddaba tan iyo markii la aas-aasay sanadkii 1909-kii oo haatan laga joogo 107-sano kooxda Borussia Dortmund ayaa ku guuleysatay 8-jeer horyaalka Bundesliga-ha Jarmalka, sidoo kale 5 jeer ayey hanatay DFB Supercup, halka  3 mar ay qaaday DFB Pokal, sidoo kale hal jeer ayey hanatay koobka Champions League:-

c0dns0xxeaa8-s8

Haddaba halkaan hoose ka eeg koobabkii ay ku guuleystay kooxda Borussia Dortmund tan iyo markii la aas-aasay:-

8 x Bundesliga

5 x DFB Supercup

3 x DFB Pokal

1 x Champions League

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close