SERIE A: Kooxda Inter Milan oo guul ka soo gaartay Sassuolo oo ay booqatay… + SAWIRRO

cz9jy4hxuae-noy

(Sassuolo) 18 Dis 2016 – Kooxda kubadda cagta Inter Milan ee dalka Talyaaniga ayaa guul dirqi ah ka soo gaartay naadiga Sassuolo oo ay marti u ahayd kulan ka tirsan horyaalka Serie A, waxaana ay uga soo adkaatay 1-0.

Qeybtii hore ee kulankan ayaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0, balse markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ayey Inter Milan la timid goolka madiga ah ee ay ku martay Sassuolo, waxaana 48’daqiiqo u dhaliyey Antonio Candreva.

Dhammaadkii ciyaarta Inter Milan waxaa kaarka cas ka qaatay oo garoonka laga saaray Felipe Melo, kaddib markii ay isku raaceen labo kaar oo kuwa digniinta ah, balse kooxdiisa Inter ayaa ku adkaatay 1-0.

Inter Milan ayaa haatan fadhisa kaalinta 7-aad ee kala horreynta horyaalka Serie A, iyadoo leh 27-dhibcood 17 kulan oo ay ciyaartay.

SAWIRRO:

cz9rdoqxaakdb2k

cz9reo1xeaav5zl

cz9rfliwiaagtvz

cz9uhxeweaak_ic

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close