Ronaldo oo ku guulaystay laacibkii ugu fiicnaa koobka kooxaha aduunka ee 2016

(Tokyo) 18 Dis 2016 Cristiano Ronaldo ayaa ku guulaystay abaal marinta laacibkii ugu fiicnaa koobka kooxaha aduunka ee sanadkaan 2016.

Ronaldo ayaa ka caawiyay kooxdiisa Real Madrid hanashada koobkaan kadib markii uu dib ugu soo celiyay kooxdiisa natiijada ciyaarta xili looga hogaaminayay 2-1.

Xiddiga reer Portugal ayaa ku guulaystay inuu seddexleey u dhaliyo Real Madrid, kooxda reer Spain ayaana 4-2 uga adkaatay dhigeeda Kashima Antlers.

Laacibka reer Croatia ee Luka Modric ayaana soo galay booska labaad ee xiddiga ugu fiican koobkii la soo gabagabeeyay ee Club World Cup.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close