Luis Enrique oo fariin muuqata u diray maamulka Barcelona ka hor kulanka caawa

(Barcelona) 18 Dis 2016 Tababaraha kooxda Barcelona ee Luis Enrique ayaa fariin muuqata u diray maamulka kooxdiisa ka hor kulanka caawa.

Mundo Deportivo ayaa baahisay in Luis Enrique uu ka reebay Aleix Vidal ciyaartoyda caawa ka hortagaya kooxda Espanyol.

Wargayska ayaa xaqiijiyay in Aleix Vidal uu si caadi ah uga qayb qaato tababarka kooxda, balse tababare Enrique uusan ku qanacsanayn qaab ciyaareedkiisa.

enrique

Fariinta Enrique uu u dirayo maamulka Barcelona ayaa ah in kooxdu ay u baahantahay inay suuqa u gasho daafac midig, maadama uusan la dhacsanayn qaab ciyaareedka Aleix Vidal.

Xiddigaan ayaa sifiican u ciyaaray kulankii Champions League ee Borussia Monchengladbach, laakiin waxaa muuqanaysa in Enrique uusan ka helin qaab ciyaareedkiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close