Kooxda Real Madrid oo ku guuleystay koobka kooxaha Adduunka, kaddib markii ay dardartay Kashima Antlers, xilli saddexleey uu saxiixay Cristiano Ronaldo… + SAWIRRO

(Japan) 18 Dis 2016 – Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ku guuleystay koobka kooxaha Adduunka, kaddib markii ay 4-2 uga adkaatay naadiga Kashima Antlers, kulan ka dhacay dalka Japan, iyadoo uu saddex jeer shabaqa soo taabtay kulankan Cristiano Ronaldo.

Real Madrid ayaa goolka la horreysay waxaana 9’daqiiqo bilowgii ciyaarta u dhaliyey weeraryahankooda Karim Benzema, kaddib markii kubad dadab ka timid oo ay madax isaga soo saareen xiddigaha Kashima Antlers uu inta bannaanka xerada ganaaxa xabad ku dajiyey laad xoog leh ku tuuray goolhayaha Luka Modric, laakiin waa uu badbaadiyey, markaas kaddibna waxaa si aan dhib lahayn ku dhammaystiray Benzema, Madrid ayaana kulanka ku hoggaamisay 1-0.

Inta aan la aadin qeyba nasashada kooxda Kashima Antlers ayaa la timid goolka barbaraha waxaana 44’daqiiqo kubbad dhinac laga soo qaaday inta habad ku degsaday isagoo ku jira xerada ganaaxa daba mariyey goolhayaha Real Madrid Gaku Shibasaki, kulanka ayaana lagu kala nastay barbaro 1-1.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay kooxda Kashima Antlers ayaa la wareegtay hoggaanka ciyaarta, waxaana markale shabaqa soo taabtay 52’daqiiqo Gaku Shibasaki, waxaana uu ahaa goolkiisii labaad ee kulankan, goolka uu dhaliyey ayaana ku yimid kubbad uu ka soo tuuray bannaanka xerada ganaaxa oo joog hoose ku socotay Real Madrid ayaana lagu hoggaamiyey 2-1.

Real Madrid ayaa markeeda la timid goolka barbaraha waxaana rigoore loo dhigay gool u bedelay 60’daqiiqo Cristiano Ronaldo, kaddib markii xerada ganaaxa dhexdeeda lagu jilaafay Lucas Vazquez, kulanka ayaana sidaas ugu soo dhammaaday barbaro 2-2.

Waxaa loo baahday in lagu kordhiyo 30 daqiiqo oo dheeri ah si loo kala saaro labadan kooxood, waxaana intii lagu guda jiray daqiiqadihii lagu daray ciyaarta labo gool oo deg deg dhaliyey Cristiano Ronaldo oo sidaas ku buuxsaday saddexleeysiida kulankan.

Kooxda Real Madrid ayaana sidaas ku hanatay koobka kooxaha Adduunka markeedii labaad kaddib markii ay horay u qaaday koobkan sanadkii 2014.

Dhinaca kale kooxaha CF America iyo Atletico Nacional ayaa ku tartamay kaalinta saddexaad, waxaana kaddib markii kulankoodu ku soo dhammaaday barbaro 2-2 kaddib gool ku laad 3-4 ku hanatay kaalinta saddexaad Atletico Nacional.

SAWIRRO:

62c9fa92-b554-45b5-999b-1de27c5680af

64bb5d87-7ca1-412b-b330-01e161f34999

73b558e7-7b65-41b4-9884-9d7a3a19d6f8

a50c0724-f632-416f-957a-96fbc5102231

b1cf6981-33db-44a4-8c74-ea484eb27e7d

bb640a80-0c3b-4177-b9e2-6b5dfd6669bb

bd39bd2d-1900-4495-87d7-e718f12ee614

c23dd7d3-0a99-43d5-89c9-608a3f0297be

c95b2d22-f7e0-43bb-b7bd-3974f721cb89

ca8d4f15-9bc3-43d4-b714-c93e13c717dc

cz9vaekxuaa4vu5

cz9vblyxeaabh9t

cz9vcedweaava2d

cz9vdggxeaiikzs

cz9yjh7xeaakwze

cz9zfrvweaa_kqv

d140197f-865d-46b8-b561-d7d344f13832

f2f8e54b-8aa2-4d0b-b338-c25a7d1188a5

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close