James Rodriguez oo si cad u sheegay: Ma hubo inaan la sii joogayo Real Madrid”

(Madrid) 18 Dis 2016 Laacibka kooxda Real Madrid ee James Rodriguez ayaa banaanka soo dhigay carada uu ka qabo inaan la ciyaarsiin Final-ka koobka kooxaha aduunka.

Xiddiga reer Colombia ayaa sheegay inuusan hubin inuu la sii joogayo Real Madrid, wuxuuna intaa ku daray inuu haysto 7-maalin oo uu uga fikiri karo mustaqbalkiisa.

25 jirkaan ayaan la ganban inuu doonayo inuu helo waqti badan oo uu ku ciyaaro taasna ay ku qasbayso inuu ka fiirsado la joogistiisa Real Madrid.

“Ma hubo inaan la sii joogayo Real Madrid, waxaa i soo gaaraya dalabyo, waxaan haystaa 7-maalin oo aan uga fikiri karo” ayuu yiri James kadib ku guulaysigoodii koobka kooxaha aduunka.

“Waan ku faraxsanahay Madrid laakiin waxaan doonayaa inaan ciyaaro inbadan, ma ciyaarin kulankii Final-ka laakiin waan ku faraxsanahay inaan helo koobkaygii 15-aad ee xirfadayda”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close