Guardiola oo amaanay Alexis Sanchez ka hor kulanka Arsenal

(Manchester) 18 Dis 2016 Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa amaanay weerar yahanka kooxda Arsenal ee Alexis Sanchez.

Guardiola ayaa tababare u soo ahaa Alexis Sanchez waqtigii Barcelona, wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay laacib ku fiican ka ciyaarista weerarka tooska ah.

Laakiin tababaraha reer Spain oo sharaxaad ka bixiyay sababta Sanchez uu sifiican uga soo muuqan waayay Barcelona ayaa sheegay in halkaas uu joogo Messi.

“Alexis Sanchez wuxuu ka soo ciyaaray Chile, kadib talyaaniga ayuu kala soo ciyaaray kooxda Udinese, sifiican ayuuna ula ciyaaray kooxda Barcelona” ayuu yiri Pep Guardiola ka hor kulanka Arsenal.

“Waa wax iska caadi ah marka aad ka garab ciyaarayso Messi in dadku ay kuu maleeyaan inaadan ku jirin qaab ciyaareedkaagii wanaagsanaa, Sanchez inbadan ayuu na caawiyay sifiican ayuuna u ciyaaray”.

“Lagayaabee in aanan sifiican u caawin waqtigii Barcelona maadama aan ka ciyaarsiiyay garab laakiin wuxuu jecelyahay inuu ka ciyaaro booska weerarka”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close