EPL: Kooxda Man City oo gashay kaalinta labaad ee horyaalka, kaddib markii ay guul soo laabasho ka gaartay Arsenal oo ay soo dhowaysay… + SAWIRRO

(Manchester) 18 Dis 2016 – Kooxda kubadda cagta Man City ayaa ku degtay kaalinta labaad ee kala horreynta horyaalka Premier League, markii ay guul soo laabasho ah ka gaartay naadiga Arsenal oo ay ku soo dhowaysay garoonkeeda Etihad.

Arsenal ayaa goolka la horreysay waxaana u dhaliyey afartii daqiiqo ee ugu horreysay ciyaarta Theo Walcott, kaddib markii baas hagaagsan oo uu ka helay saaxiibkiisa Alexis Sanchez inta wax yar horay ula dhaqaaqay kubbad joog hoose ka socotana dhanka midig ka dhigay goolka uu ilaaliyaha ka ahaa Bravo, Gunners oo 1-0 ku hoggaamisay Man City oo gurigeeda joogta ayaana lagu kala nastay kulankan.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay Man City ayaa la timid ciyaar dardar iyo baasas u dhisan waxaana u suura gashay inay ciyaarta dhanka kale u rogaan, waxaana goolka barbaraha u dhaliyey Leroy Sane.

Goolkii ugu horreeyey Leroy Sane ee uu u dhaliyo Man City ayuu ahaa waxaana uu yimid daqiiqaddii 47’aad ee qeybtii dambe ee ciyaarta, iyadoo uu ka caawiyey David Silva, waxaana uu dhammaystiray kubbad uu soo karoosay, isagoo dhinac ka dhigay goolka Arsenal kulanka ayaana sidaas ku noqday barbaro 1-1.

Man City ayaa la wareegtay hoggaanka ciyaarta daqiiqaddii 72’aad waxaana u dhaliyey Raheem Sterling, kaddib markii uu garabka bidix kala soo xarooday kubbad uu ka helay Kevin de Bruyne, laad xoog leh qabad siiyey kubadda, taasoo ka hoos dustay goolhaye Cech, kulanka ayaana 2-1 looga adkaatay Arsenal oo marti ahayd.

Kooxda Manchester City ayaa soo degtay kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, iyadoo leh 36-dhibcood, 17 kulan oo ay ciyaartay, halka Arsenal ay ku jirto kaalinta afaraad inkastoo 34-dhibcood ay la wadaagto kooxda kaalinta saddexaad ku jirta ee Liverpool oo kulan u harsan yahay.

SAWIRRO:

1

1482077447643_lc_galleryimage_britain_football_soccer_m

1482077476235_lc_galleryimage_arsenal_s_english_midfiel

1482078095159_lc_galleryimage_manchester_city_s_ivorian

1482079227145_lc_galleryimage_arsenal_s_french_manager_

1482081065768_lc_galleryimage_britain_football_soccer_m

1482081092976_lc_galleryimage_britain_football_soccer_m

1482081110304_lc_galleryimage_britain_football_soccer_m

cz-bv7jxcaammig

cz-r0rqwqaa9cuo

cz-r1htxcaax0qy

cz-ruisxaaee3lg

cz-rwcfxgaq2b7d

cz-sy7oxgaa16-5

cz-wdalxcaac2s7

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close