“Asxaabtayda la’aantood waxba ma heleen” – Cristiano Ronaldo

(Tokyo) 18 Dis 2016 Cristiano Ronaldo ayaa ka hadlay ku guulaysigii kooxdiisa ee koobka kooxaha aduunka, wuxuuna sheegay in isbuucaan uu u ahaa mid riyo ah.

Ronaldo ayaa ku guulaystay Ballon d’Or, isaga oo sidoo kale kooxdiisa ku hogaamiyay ku guulaysiga koobka kooxaha aduunka kadib seddex gool oo uu u dhaliyay.

Laacib kaan ayaa sheegay in dhamaan guulaha uu soo hooyay ay ka gacansiiyeen asxaabtiisa Real Madrid, wuxuuna intaa ku daray in la’aantood uusan heli lahayn waxaas oo dhan.

“Inaan dhaliyo seddexleey dhabtii waa wax fiican, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ka caawiyo kooxda ku guulaysiga koob kale” ayuu yiri Cristiano Ronaldo.

“Wuxuu ahaa isbuuc farxad leh, waxaan helay Ballon d’Or haatana koobka kooxaha aduunka, waxaan u mahadcelinayaa asxaabtayda waayo la’aantood waxba ma heleen”.

“Wuxuu ahaa sanad aan la rumaysan karin, waxaan ku guulaysanay Champions League, Super Cup-ka yurub, koobka kooxaha aduunka, waxaan ku guulaystay Euro, iyo sidoo kale Ballon d’Or”.

“Dadku waxay jecelyihiin inay hadlaan, aniguna waxaan ku dhex hadlaa oo kaliya gudaha garoonka, wax walba sifiican ayeey ku socdaan, waan sii wadi doonaa shaqada”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close