Weeraryahanka Chelsea ee Diego Costa oo seegaya kulanka Bournemouth ee Premier League

cz4utv6wiaeng-f

(London) 17 Dis 2016 – Weeraryahanka kooxa kubada cagta Chelsea ee Diego Costa ayaa ganaax ku seegi doona kulanka ay wajahayaan Bournemouth ee horyaalka Premier League.

Chelsea ayaa haatan la ciyaaraysa kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska naadiga Crystal Palace oo ay marti u yihiin waxaana qeybta hore lagu kala nastay 1-0 ay ku gacan sarreyso Blues, waxaana goolkaas madax ugu dhaliyey Diego Costa.

Laakiin dhaliyaha Chelsea ee Diego Costa ayaa ka maqnaan doona kooxdiisa kulanka xiga ee Premier League oo ay la leeyihiin naadiga Bournemouth kaddib markii ay maanta u buuxsameen shantiisa kaar ee Jaallaha ah ama digniinta.

Costa ayaa loo taagay kaarkiisa shanaad ee digniinta daqiiqaddii 22’aad kulanka haatan kooxdiisa Chelsea ay la ciyaarayso Crystal Palace, kaddib markii uu jilaafay Scott Dann.

Kooxda Chelsea ayaa kulankeeda xiga ee Premier League oo uu Costa ka maqnaan doono waxa ay la ciyaari doonaan naadiga Bournemouth 26 bishan aynu ku jirno ee December.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close