“Waa inaan soo muujinaa inaan u qalano guusha” – Antonio Conte oo ka hadlay kulanka Crystal Palace

(London) 17 Dis 2016 Tababaraha kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa ka hadlay kulanka goor dhaw bilaaban doona xili kooxdiisu ay isha ku hayso guushii 11-aad oo xiriir ah.

Blues ayaa 6-dhibic oo nadiif ah ku hogaaminaysa horyaalka kadib guushii 1-0 ee ay arbacadii ka gaartay dhigeeda Sunderland.

Antonio Conte ayaa sheegay in kooxdiisa looga fadhiyo inay ciyaarto ciyaar aad u qurxoon isla markaana ay haboontahay inay aduunka tusaan inay u qalmaan guusha.

“Waxaan rumaysanahay inay tahay muhiim inaan ciyaarno ciyaar fiican, oo aan ciyaarno kubadd fiican, waana inaan soo muujinaa inaan u qalano guusha” ayuu u sheegay Web-ka Premier League ka hor ciyaarta.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close