Luis Enrique oo ka gaabsaday inuu ka hadlo heshiis kordhinta Lionel Messi

(Barcelona) 17 Dis 2016 Tababaraha kooxda Barcelona ee Luis Enrique ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo heshiis kordhinta laacibkiisa ee Lionel Messi.
Mustaqbalka Messi ee kooxda Barcelona ayaa mugdi siigalayay maalmihii u danbeeyay kadib markii la baahiyay in laacibku uu qorshaynayo inuu katago kooxdiisa.
Balse tababare Luis Enrique ayaa u sheegay saxaafada in arinka heshiis kordhinta Messi ay isla isaga waydiiyaan taas oo ka dhigan inuusan doonayn ka hadalka arinkaas.
“Heshiis cusboonaysiinta ciyaar yahan walba waa war fiican, maadama uu xoojinayo kooxda laakiin heshiis kordhinta Messi waxaa haboon inaad isaga waydiisaan” ayuu yiri Luis Enrique ka hor kulanka Espanyol.
Barcelona ayaa aad isugu dayeeysa inay heshiis cusub ka saxiixdo Lionel Messi kaas oo u suurogalinaya inuu ciyaaraha uga fariisto garoonka Camp Nou.
Gool FM