EPL: Man United oo guul ka soo gaartay kooxda West Brom oo ay booqatay, xilli Zlatan Ibrahimovic uu labo jeer shabaqa soo taabtay… + SAWIRRO

(West Bromwich) 17 Dis 2016 – Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guul ka soo gaartay naadiga  West Bromwich Albion oo ay booqatay kulan ka tirsan horyaalka Premier League, waxaana ay uga soo adkaatay 2-0.

Man United ayaa goolka koowaad la timid shantii daqiiqo ee ugu horreysay ciyaarta, waxaana kubbad uu dadab ka soo qaatay Jesse Lingard, madax ku dhaliyey Zlatan Ibrahimovic, kulanka ayaana lagu kala nastay 1-0 ay ku gacan sarreeyeen wiilasha tababare Jose Mourinho.

Goolka labaad ee Man United ayaa yimid daqiiqaddii 56’aad waxaana markale shabaqa soo taabtay Zlatan Ibrahimovic, kaddib markii uu difaacyada ka leexday kubbad uu ka helay Wayne Rooney, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 2-0 ay ku soo adkaatay Man United oo marti ahayd.

Manchester United ayaa sidaas ku fadhisa kaalinta 6-aad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, iyadoo 30-dhibcood 17 kulan oo ay ciyaartay, waxaana ay dhibcahaas la wadaataa Tottenham oo ku jirta kaalinta 5-aad inkastoo kulan u harsan yahay, halka West Brom ay ku jirto kaalinta 7-aad iyadoo leh 23-dhibcood.

SAWIRRO:

cz5dgbnwqaavmwt

cz5dgbqwqaavgis

cz5dgcnwgaaqbxi

cz5dgctwgaibsu1

cz5fx6_xuaa7neo

cz5jsuwxeaaemyt

cz5squdxcaaq2xi

cz5squwwgaaahyj

cz5squzwiaimjab

cz5squzxeaanuwb

cz5to2cwgaa-gqj

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close