Bayern Munich oo war naxdin leh ka helaysa dhaawaca Jerome Boateng

(London) 17 Dis 2016 War murugo leh ayaa u soo yeeray kooxda Bayern Munich kadib markii la shaaciyay in daafacooda Jerome Boateng uu u baahanyahay qaliin.

Wargayska Bild ayaa daaha ka qaaday in Jerome Boateng uu u baahanyahay qaliinka dhanka garabka ah, taas oo uu garoomada uga maqnaan doono mudo dhan 2-bil.

Kooxda ayaa shalay shaacisay in daafaca reer Jarmal uu ka maqnaan doono kulanka galabta ay kooxdiisu u safrayso dhigeeda Darmstadt fc.

“Dhaawacaan waa jug kale oo i soo gaartay sanad ka hor, laakiin waan soo laaban doonaa” ayuu u sheegay Jerome Boateng wargayska Bild.

Tababare Ancelotti ayaa ka walwalsan dhaawaca soo gaaray Jerome Boateng kaas oo uu uga maqnaan karo mudo dhan 2-bil.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close