Yuu Neymar ka xulan lahaa Real Madrid?

cristiano-ronaldo-america-real-madrid-club-world-cup_1aif4cnmclbtk117kuvmje5ep5

(Barcelona) 16 Dis 2016. Neymar ayaa sheegay in mid ka mida xiddigaha ay Barcelona ka wada tirsan yihiin ku badasheen Cristiano Ronaldo.

Wiilka reer Samba sidoo kale waxa uu sheegay in uusan rabi lahayn Gareth Bale iyo Karim Benzema balse jeclaan lahaa ka garab dheelidda Marcelo.

Mar ay CNN ay weydiisay qofka uu kala soo saxiixan lahaa kooxda ay xifaaltamaan Barca, Neymar waxa uu ku jawaabay: “Waxaan soo wadan lahaa Marcelo.

“Sabab? Maxaa yeelay waa saaxiibkey! Xitaa Ronaldo? Maya, waxaan soo wadan lahaa Marcelo.”

Walow uu Neymar diiday xulashada mid ka mida duullaanka caanka ah ee Madrid, BBC, hadana qadarin ayuu u muujiyey mar uu qiimeyn ku sameenayey wiilasha ay Clasico ku loolamaan.

“Kama hadlayo saddexda wacan maxaa yeelay kama helo in aan sidaas yeelo. Waligey oran mayo qof ayaan ka wacanahay, laakiin saddexda Barcelona [MSN] taariikh ayey sameyeen weyna wadi doonaan.

“Cristiano Ronaldo waxa uu ku guuleystay Ballon d’Or afar mar, Bale olole wanaagsan ayuu ku jiraa. Benzema waa weeraryahan fiican waxaana u garanayaa in uu yahay SUPERSTAR.

“Waa xiddigo kubada cagta ah oo aan qadariyo.

“Waa loolan fiican, hardan caafimaad ah ayaan ku haysanaa Clasico.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close