Wenger oo xaqiijiyey soo laabashada Welbeck

Arsenal v Leicester City - Premier League

(London) 16 Dis 2016. Danny Welbeck ayaa dhawaan dib ugu soo laaban doona tababbarka Arsenal.

Dhaliyahan Gunners uga soo biiray Manchester United ayaa waxaa ragaadiyey dhaawacyo.

Isaga oo ka soo kabtay dhaawac mudo garoomada seejiyey ayuu hadana mar kale dhaawacmay bishii Maajo waxa uuna ku seegay Euro 2016.

Hase ahaatee, Wenger ayaa shirkiisii jaraa’id ee dhawaa ku xaqiijiyey in uu soo laabanayo dhawaan.

“Danny Welbeck hal toddobaad ayuu u jiraa in uu tababbarka buuxa ee safka ku soo laabto,”.

Welbeck waxa uu ka soo baramoosay kuliyadda Manchester United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close