Oscar oo lagu wado inuu noqdo laacibka saddexaad ee ugu mushaarka badan kubbada cagta adduunka xitaa wuxuu ka sara marayaa Lionel Messi

oscar

(London) 16 Dis 2016. Oscar ayaa lagu wadaa inuu noqdo laacibka saddexaad ee ugu mushaarka badan kubbada cagta adduunka haddii uu dhammeystiro heshiiska uu ugu dhaqaaqayo horyaalka Shiinaha.

Sida la wariyay 90% wuu dhammeystirmay heshiiska uu xiddiga qadka dhexe ee Chelsea ugu dhaqaaqayo kooxda uu macallinka u yahay Andre-Villas Boas ee Shanghai SIPG.

Laxalt could arrive at Stamford Bridge as a replacement for China-bound Oscar

Jariiradda The Times  ayaa sheegeysa in kooxda hantida badan ee dalka Shiinaha inay dooneyso inay 25-jirka ka soo jiidato Stamford Bridge iyadoo u bandhigeysa heshiis uu sanadkiiba ku qaadanayo 20-milyan oo bound.

Haddii uu laacibka reer Brazil dhammeystiro heshiiskan bisha Janaayo wuxuu noqon doonaa laacibka saddexaad ee ugu mushaarka badan adduunka.

Waxaa ka horreyn doona oo kaliya Ezequiel Lavezzi ee ka ciyaara horyaalka Shiinaha oo usbuuciiba qaata 493,000 oo bound iyo Ronaldo oo Real Madrid ka qaata 440,000 usbuuciiba, waxa uuna Oscar qaadan doonaa 400,000.

Lionel Messi oo weli heshiis cusub u kordhin Barcelona ayaa iminka ka qaata mushaar dhan usbuuciiba £270,000 oo bound.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close